Posts

FAA’IIDOOYINKA SANJABIISHA

FAA’IIDOOYINKA     CAAFIMAAD EE SANJABIISHA Jeermiska ayey la dagaallantaa Maadooyinka kiimikaal ee ku jira sanjabiisha ayaa jirka ka ilaaliya jeermiga, una diida inay so galaan ama ku bakteeriyada-“E.coli iyo Shigella” iyo fayraska-“RSV”.   Waxay dhoortaa caafimaadka afka Sanjabiisha waxaa ku jira maado kiimikaal oo loo yaqaanno 'gingerols'- waxayna kaa saacideysaa inaad dhoola-cadeyso, sababtoo ah waxay joojisaa koritaanka bakteeriyada keenta xanuunada afka sida Suuska, Yiridka iyo IWM.   Waxay yareysaa lalabada Sanjabiishu waxay kaa caawin kartaa inaad socod-siisid caloosha waliba haddii aad xaamilo tahay, waxay nuugtaa gaaska caloosha, sido kale waxay baabi’isaa lallabada ay keenaan daawooyinka kiimoteraabiga ee loo isticmaalo kansarka. Waxay yareysaa murqo xanuunka Waxaa la ogaaday dadka jimicsiga ku dareema murqo xanuunka, haddii ay isticmaalaan sanjabiisha waxaa yaraada xanuunkii hayey, marka loo barbar dhigo kuwa aan qaadan. Sidaa awgeed,    sanjabi...

XOGTII UGU DAMBEESAY EE TALAALKA AstraZeneca “COVID-19”

Talaalka COVID-19 ee AstraZeneca, waxaa iska kaashaday soo saaristiisa jamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca, Vaccitech. Waxay isticmaaleyn hidaside fayraska hargabka oo daciif ah, kaas oo keena infekshannada ku dhaca “Chimpanzees”, waxaa ku jira hidaside borotiinka “SARS-CoV-2 virus” ee COVID-19. Markaad qaadato talaalkaan, jirkaagu wuxuu soo saarayaa borotiinkaan, kaasoo    hormariya habdhiska difaaca ee jirka, si uu u weeraro fayraska SARS-CoV-2, haddii uu soo galo jirkaaga. Baryahaan dambe waxaa la hadal hayey walaac ku saabsan talaalkaan ee la xiriira xar-gagidda dhiigga “thrombotic”, ka dib waxaa la hubiyey amniga taalkaan ayadoo lagu saleynaayo cilmi-baarisyo. Waxaa dib-u-eegis taxadar leh lagu sameeyey inka badan 17 million oo qof oo laga talaalay xanuunka COVID-19 (midowga European iyo boqortiyada UK) lagamana helin wax cadeymo ah oo muujinaya halista talaalka AstraZeneca. Waxyaabaha laga fiiryey waxaa ka mida Xinjirta xirta sanbabka, tan lugaha, iyo xinjirowga d...

𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐨❓

 𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐨❓ Saliilyada(xasaasiyadda) ilkaha waa xaalad caafimaad oo ku dhacda ilkaha loona yaqaanno “𝕕𝕖𝕟𝕥𝕚𝕟 𝕙𝕪𝕡𝕖𝕣𝕤𝕖𝕟𝕤𝕚𝕥𝕚𝕧𝕚𝕥𝕪“, sidoo kale waxaa loo yaqaannaa “𝕕𝕖𝕟𝕥𝕚𝕟 𝕤𝕖𝕟𝕤𝕚𝕥𝕚𝕧𝕚𝕥𝕪”.  Saliilyada(xasaasiyadda) ilkaha waa xanuun daran ama kabaabyo soo boodo ah oo qofku ka dareemo ilkihiisa muddo gaaban ka dib markii  uu maqlo shanqar ama codadka qaar, ama uu dhadhamiyo wax kulul ama qabow, taasoo aan loo saarin karin xanuun ama cillad ku dhacday ilkaha. Waxaa kale oo kicin kara dabeysha/leyrta, xoqidda, macaanka, dhanaanka, korontada, taabashada, uumiga iyo waxyaahaba kiimikaalka ah, arrintaas oo ka dhigan in neerfihii ilkaha banaanka usoo baxay sidaas darteedna uusan adkeysi u lahayn. “Dentin-ka” waa qayb ka mid ah iligga taas oo ka hooseysa qeybta sare ee loo yaqaanno “enamel”. Enamel-ka waa lakabka cad ee sare, oo daboola iligga intiisa kale, waana qeybta ugu  adag iligga, marka haddii dhawac soo gaaro qey...

Raggu madhalays ma noqdaan, hadday noqdaanse maxay baaritaanka u diidan?

Image
Raggu madhalays ma noqdaan, hadday noqdaanse maxay baaritaanka u diidan? Madhaleysnimada waxaa lagu qeexaa hal sano oo galmo aan layska ilaalin la sameeyo, haddi haweeneydu ay uur qaadi wayso. Dhalmo la'aanta, cudurada wadnaha iyo burooyinka ayaa la aaminsanyahay inay yihiin seddexda   cudur oo saameeynta taban ku leh nolosha aadanaha iyo caafimaadkiisa sida ku cad bayaanka WHO.  Madhalaysnimada ragga waxaa keeni kara sababo kala duwan, Qaarkooda waa la ogaan karaa waana la dawayn karaa, sida marinka shahwada oo xirma iyo hormooniska oo yaraada.  Kuwa qaar waa la ogaan karaa balse dawaayntoodu ma fududa, lkn waxaa jira siyaabo kale oo looga gudbi karo sida bacriminta ilma galeenka (IUI), ama ART. Inkasta oo ay dhiftahay dhalma la'anta ragga  balse inteeda badan lama garanayo sababta keenta(Idiopathic).  Arimaha ka qeyb qaaata ma dhalaysnimada ragga waxaa mida arimaha deegaanka, bulshada iyo bayoolojiga. arimaha deegaanka waxaa mida waxyaabaha kimikalka ah,shuc...

Wareegga caadada

Image
 Wareegga caadada : wareegga caadada way ku kala duwanyihiin dumarku, qaarbaa 21 maalmood kasta ah, qaarna 35 ayey gaaraan, laakiin celceliskooda yaa ah 28 maalmood oo kasta. Wareegga caadadu waa isbeddel dabiici ah oo ku dhaca Habdhiska taranka haweenka (gaar ahaan ilmo-galeenka iyo ugxansidaha) taas oo keenta in haweeneydu uur qaado. Wareegga caadada inta lagu jiro waxaa la soo saaraa ugxanta, iyo sidoo kale waxaa ilmo-galeenku isu diyaariyaa uurka. Wareegga caadada waxaa sababa kicidda ama yaraanshaha hormoonka loo yaqaano istorojin( estrogen).  Hormoonka istorojin wuxuu adkeeyaa dhumucda dahaarka ilmo-galeenka, iyo koritaanka ukunta, (taas oo looga baahan yahay uurka). Ugxanta waxaa laga soo daayaa ugxan sidaha maalinta afar iyo tobnaad ee wareegga caadada;    dahaarka adag ee ilmo-galeenka ayaa nafaqo siiya uurjiifka ka dib abuurka.   Haddii uur uusan dhicin, dahaarka ilmo-galeenka waxaa ku dhaca daadashada loo yaqaan caado(menstruation) oo ah dhiiga k...

Wax ka baro jimicsiga Kegel

Image
LAYLISKA   LOO  YAQAANO   KEGEL EE  SAMEEYO MURQAHA HOOSE EE MISKAHA  Waa  maxay   Layliska  Kegel: Ereygan   waxaa   loogu   magac   daray   Arnold Kegel,   oo   ahaa dhakhtar   ku   takhasusay   cudurada   haweenka ,  oo  u  dhashay dalka   Maraykanka   oo   markii   ugu   horaysay   sharaxay saamaynta   caafimaad   ee   Jimicsiga  Kegel   dabayaaqadii  1940s. Jimicsiga  Kegel  wuxuu   xoojiyaa   murqaha   ka   hooseeya   ilmo-galeenka ,  kaadiheysta ,  iyo   mindhicirka ,  kuwaas   o o   taageera minka ,  kaadi   haysta ,   xiidmaha   yar   yar   iyo   malawadka ,  iyo sid oo  kale  galmada  rag  iyo   dumarba . Muxuu   jimicsiga  Kegel  muhiim  u  yahay : Waxyaabo...