Raggu madhalays ma noqdaan, hadday noqdaanse maxay baaritaanka u diidan?
Raggu madhalays ma noqdaan, hadday noqdaanse maxay baaritaanka u diidan?
Madhaleysnimada waxaa lagu qeexaa hal sano oo galmo aan layska ilaalin la sameeyo, haddi haweeneydu ay uur qaadi wayso.Dhalmo la'aanta, cudurada wadnaha iyo burooyinka ayaa la aaminsanyahay inay yihiin seddexda cudur oo saameeynta taban ku leh nolosha aadanaha iyo caafimaadkiisa sida ku cad bayaanka WHO.
Madhalaysnimada ragga waxaa keeni kara sababo kala duwan, Qaarkooda waa la ogaan karaa waana la dawayn karaa, sida marinka shahwada oo xirma iyo hormooniska oo yaraada. Kuwa qaar waa la ogaan karaa balse dawaayntoodu ma fududa, lkn waxaa jira siyaabo kale oo looga gudbi karo sida bacriminta ilma galeenka (IUI), ama ART. Inkasta oo ay dhiftahay dhalma la'anta ragga balse inteeda badan lama garanayo sababta keenta(Idiopathic).
Arimaha ka qeyb qaaata ma dhalaysnimada ragga waxaa mida arimaha deegaanka, bulshada iyo bayoolojiga. arimaha deegaanka waxaa mida waxyaabaha kimikalka ah,shucaaca,tubaakada,khamrada iyo heerkulka badan. Arimahada bulshada waxa ka mida cadaadiska maskaxda, caadooyinka nolosha oo xun, aqoon la'aanta caafimaadka xagga taranka iyo cudurada galmada lagu kala qaado. Arimaha bayoolojiga waxaa ka mida da'da iyo xanuunada.
Dhalma la'aantu waxay saameysa qiyaastii boqolkiiba 15% lamaanayaasha adduunka oo dhan, waxayna gaarayaan 48.5 milyan oo lamaane ah. Ragga kaliya waxay masuul ka yihiin boqolkiiba 20-30% kiisaska madhalaysnimada, waxayna ku biiriyaan boqolkiiba 50% kiisaska dhalma la’aanta. Adduunka oo dhan, ugu yaraan 30 milyan oo rag ah ayaa madhalays ah, heerarka ugu sarreeya waxaa ku jira Afrika iyo Bariga Yurub.
Dhalma la’aantu waxay saameysaa 15% lammaanaha is qaba ee ku jira da'da dhalmada. Sidaas awgeed hadda waxay noqotay dhibaato caafimaad iyo mid bulsho oo caalami ah. Dhibaatada dhalma la’aantu waa mid qoys ama Lamaanaha is qaba ee ma ahan mid ku gaar ah dumarka oo kaliya. Ragga intooda badan waxay aaminsan yihiin in madhalaysnimadu tahay dhibaato dumarka oo keliya ka timaada, oo ragga wax ka quseeya aysan jirin, taasna sax maahan.
Sababaha dhalmo la'aanta ragga ayaa masuul ka ah boqolkiiba 50% lamaanayaasha u baahan daaweynta dhalmo la'aanta, laakin nimanka ayaa ku dooda cilladdu inay tahay mid xagga haweenka ka immaatay, balse ayagu aysan qabin wax xanuun ah, xitaa haddii uu ninku ku guuldaraysto inay uur u qaado haweeney kale oo uu si qarsoodi ah ku guursaday.
Muddo laga joog sanad iyo badh, haweeney ayaa i soo wacday
oo wax iga weydiisay adeegyada
bacriminta iyo baaritaankooda, waxay ii sheegtay inay isqabeen muddo saddex sano
ah ilmo la’aana ay yihiin oo wax uur ah aysan qaadin ilaa xilligaas, ka dib
waxaan u sheegay inay baaritaan sameeyaan ayada iyo seygeeda, balse waxay ii
sheegtay inay iyadu horey ugu sheegtay inuuna diiday inu isbaaro, asagoo ku
andacooday in dhibaatada iyadu leedahay, asagoon wax cadayn ah u hayn.
ka dib waxay go'aansatay inay ayadu baaritaan aado, waxay la kulantay dhakhtar kaasoo ka ku sameeyey dhaman baaritaanadii loo baahna, ka dib waxaa loo sheegay in xaaladdeeda taranka oo dhan ay caadi tahy baaritaankii ka dib. Tani waxay muujineysaa in sababta gundhigga u ah inay heli weydo uur muddo sadex sano ka badan ay la xiriirto ninkeeda, kasoo si adag u diiday inuu booqdo rugta bacriminta ama baaritaanka.
Arrintaas darteed, waxaad ku ogaan kartaa in ragga badankood, gaar ahaan kuwa soomaalida, aysan aqbali kari in ninku madhaleys noqon karo, ayagoo u maleeya dareenka iyo awooda ragganimadu inay dammaanad u tahay inay caruur dhali karaan.
Laakiin arrintaasi waa khalad maxaa yeelay dhalmo la'aanta ragga ayaa inta badan la xiriirta arrimo la xiriira shahwada, caadooyinka aan fiicnayn iyo qaab nololeedka qofka sida sigaar cabidda, khamriga iyo walwalka nafsaaniga ah, iyo kuwo kale oo badan.
Waxaa jira waxyaabo badan oo saameyn kara shahwada ragga, oo u keeni kara inay dhimato ama tayadeedu yaraato waxaana ka mida kuwaan so socda:
1. Heerkulka-Si loo ilaaliyo tayada shahwada, shahwadu waa inay ku jiraanta heerkul ka hooseeya jirka kale, heerkulka sare ee muddada-dheer ayaa wiiqi kara tirada iyo tayada manida.
2. Sigaarka-sigaarka waxaa ku jira maado loo yaqaano Nikotiin(Nicotine) waxay xakamayn kartaa wax soo saarka hormoonadda ragga, waxayna dhaawici karta manida. sidoo kale cabidda waqti dheer waxay waxyeeleyn karta tayada manida ragga.
3. Ph-ka ama asiidka- haddi xubinta taranka dumarka Ph-keedu uu noqdo 4 oo asiid ah, shahwadu kuma noolaan karto deegaanka nuucaas ah, waxayna sababysaa inay dhimato.
4. Daalida Shahwada-dhereka shahwada wuxuu gaaraa lixdan micron, halka dhererka xubinta taranka dumarkana uu gaaro sideed kun oo mircon(8cm), marka haddii socodka shahwada uusan fiicnayn, ma gaari karta halka ugxaantu taalo, sidaas darteed dhex ayuu ku daalaa sidaasna wuu ku dhimanaa.
5. shucaaca(Radiaation)- shucaacu wxuu dhaawici karaa unugyada kala duwan ee jirka, shahwaduna unugyadaas ayey ka midtahay oo kama baxsana, shucaacyaas waxaas ka mida mobile-lada, x-rayda IWM.
6. Infekshanka- haddi shahwada fayras ku dhaco, waxay dhaawacaysaa socodka shahwada, taas oo ka hooseyn karta socdka caadiga ee shahwada.
7. sumowga- waxaa jira waxyaabo badan oo sun ah oo wax u dhimaya manida aadanah, sida wasakhda hawada ku jirta, daawooyinka loo isticmaalo daaweynta kansarka.
8. Nolosha shahwada- nolosha shahwada waa ay xadidantahay, labo asbuuc ayey qaadata inay bislaato iyo keydinteeda, ka dib haddan la saarin shahwada ayaan dhiman doonta.
9. Mida u dambaysa ayaa ah shahwada dhan oo la waayo, oo aan manidaba ku jirin.
Labo sababood dartood waa muhiim in baaritaan lagu sameeyo ragga xaasaska leh, mida kowaad, Waxaa si sahlan kusoo bixi kara xanuuno qarsoonaa oo si fudud ayaa lagu dawayn karo ayadoon qarash badan lagu bixin, midda labaad, baaritaanadaas waxaa lagu ogaan karaa cududarro w/weyn sida kansarka xaniinyaha, burada qanjirka-Pituatary-ga, iyo xanuuada Neerfaha, IWM.
Si loo ogaado cilladdo dheeraad ah, dhaqtarku wuxu waydiin karaa xanuunada lagu dhasho ee kaadi mareenka, qalliino hore haddii xaniinyaha looga sameeyey, haddii dhabarka dhawac ama jug ka gaartay, haddii kaadi haysta laga qalay, ama xaniinyaha.
Sidoo kale dhaqtarku wuxu waydiin karaa infekshanka kaadi mareenka, xanuunada galmada lagu kala qaado, iyo sidoo kale xanuunada raaga sida Macaanka(Sonkorta), dhiig karka, iyo kuwa nerfaha.
Waxaa jira daawooyin dhaawici kara shahwada ragga ama yarayn kara tayadeeda sida daawooyinka kansarka, daawooyink yareeya hormoonada, isteroodhiska,qaadashada Obiyeedhiska(opiates), balse nasiib wanagsan dhalma la’aanta ragga inta badan waa la daaweyn karaa, Haddii ninku ku guuldareysto inuu caruur dhalo si dabiici ah, waxaa jira farsamooyin kale oo loo isticmaali karo, Farsamooyinkaas waxaa ka mid noqon kara In Vitro Fertilisation (IVF), Intra Cytoplasmic Sperm Injection and IVF, Open Testicular Biopsy, Testingular Sperm Extraction, iyo shahwa deeq ah, iyo kuwo kale.
Comments
Post a Comment