FAA’IIDOOYINKA SANJABIISHA
FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SANJABIISHA
Jeermiska ayey la dagaallantaa
Maadooyinka kiimikaal ee ku jira sanjabiisha ayaa jirka ka ilaaliya jeermiga, una diida inay so galaan ama ku bakteeriyada-“E.coli iyo Shigella” iyo fayraska-“RSV”.
Waxay dhoortaa caafimaadka afka
Sanjabiisha waxaa ku jira maado kiimikaal oo loo yaqaanno 'gingerols'- waxayna kaa saacideysaa inaad dhoola-cadeyso, sababtoo ah waxay joojisaa koritaanka bakteeriyada keenta xanuunada afka sida Suuska, Yiridka iyo IWM.
Waxay yareysaa lalabada
Sanjabiishu waxay kaa caawin kartaa inaad socod-siisid caloosha waliba haddii aad xaamilo tahay, waxay nuugtaa gaaska caloosha, sido kale waxay baabi’isaa lallabada ay keenaan daawooyinka kiimoteraabiga ee loo isticmaalo kansarka.
Waxay yareysaa murqo xanuunka
Waxaa la ogaaday dadka jimicsiga ku dareema murqo xanuunka, haddii ay isticmaalaan sanjabiisha waxaa yaraada xanuunkii hayey, marka loo barbar dhigo kuwa aan qaadan. Sidaa awgeed, sanjabiishu waxay yareysaa murqo xanuunka.
Waxay yareysaa Astaamaha Arthritis-ka
Sanjabiishu waxay yareysaa bararka ama hurgunka,-taasina waxay waxtar u leedahay xanuunada qaar ee ku dhaca kala-goysyada sida 'rheumatoid arthritis' iyo 'osteoarthritis' -adoo ka qaadanaya afka, ama saaraya maqaarka korkiisa.
Waxay hoos u dhigtaa koritaanka kansariska
Daraasadaha qaarkood waxay muujinayaan in maadooyinka bioactive-ka ee ku jira sanjabiisha ay hoos u dhigaan koritaanka kansarrada qaarkood sida kansarka mala-wadka, caloosha, ugxan sidaha, beerka, maqaarka, naaska, iyo kansarka qanjirka 'prostate'-ka.
Waxay Yareysaa Sonkorta Dhiigga
Daraasad la sameeyey ayaa sheegaysa in Sanjabiishu ay ka caawin karto jirkaaga isticmaalka sonkorta si ka wanaagsan maadada insulin-ta.
Waxay yareysaa xanuunka caadada
Ma isku aragtay xanuun xilliga caadada, sanjabiisha ayaa kaa caawin karta, waxaa la ogaaday dumarka qaata 1,500 oo miligram oo sanjabiil budo ah hal mar maalintii muddo 3 maalmood ah, inay ka xanuun yaryihiin kuwa aan qaadan.
Waxay yareysaa Kolestaroolka
Qaadashada maalin laha ah ee sanjabiisha waxay kaa caawin kartaa inaad yareyso kordhidda heerka kolestaroolkaaga-LDL, waxaa la ogaaday qaadashada 5gram oo sanjabiil ah maalintii muddo 3 bilood ah ayaa hoos u dhigtay kolestarolka dadka celcelis ahaan 30 dhibcood.
Waxay ka hortagtaa Cudurada raagga
Sanjabiisha waxaa ka buuxa maadooyin iskudhafyo ah oo loo yaqaanno “Antioxidants”-kuwaas oo ka ilaaliya dhibaatada hiddesidaha DNA-da ee jirkaaga, taas oo ka caawin karta jirkaaga inuu la dagaallamo cudurrada raaga sida dhiig karka, wadna xanuunka iyo cudurrada sambabada.
Waxay caawin kartaa dheefshiid
Isticmaalka sanjabiisha ayaa fududeeya burburinta cuntada si dhaqsa ah, taasoo yareysa dibiryada iyo xanuunada caloosha.
Mahadsanidin
Dr Abdulkarim Jabra
Comments
Post a Comment