𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐨❓

 𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐨❓

Saliilyada(xasaasiyadda) ilkaha waa xaalad caafimaad oo ku dhacda ilkaha loona yaqaanno “𝕕𝕖𝕟𝕥𝕚𝕟 𝕙𝕪𝕡𝕖𝕣𝕤𝕖𝕟𝕤𝕚𝕥𝕚𝕧𝕚𝕥𝕪“, sidoo kale waxaa loo yaqaannaa “𝕕𝕖𝕟𝕥𝕚𝕟 𝕤𝕖𝕟𝕤𝕚𝕥𝕚𝕧𝕚𝕥𝕪”. 

Saliilyada(xasaasiyadda) ilkaha waa xanuun daran ama kabaabyo soo boodo ah oo qofku ka dareemo ilkihiisa muddo gaaban ka dib markii  uu maqlo shanqar ama codadka qaar, ama uu dhadhamiyo wax kulul ama qabow, taasoo aan loo saarin karin xanuun ama cillad ku dhacday ilkaha.

Waxaa kale oo kicin kara dabeysha/leyrta, xoqidda, macaanka, dhanaanka, korontada, taabashada, uumiga iyo waxyaahaba kiimikaalka ah, arrintaas oo ka dhigan in neerfihii ilkaha banaanka usoo baxay sidaas darteedna uusan adkeysi u lahayn.

“Dentin-ka” waa qayb ka mid ah iligga taas oo ka hooseysa qeybta sare ee loo yaqaanno “enamel”. Enamel-ka waa lakabka cad ee sare, oo daboola iligga intiisa kale, waana qeybta ugu  adag iligga, marka haddii dhawac soo gaaro qeybtaas, waxyaabaha aan so sheegay ayaa u gudbaya qeybta  hoose ee “dentin-ka” markaas qofku wuxuu dareemayaa xanuun. 

Saliilyadu si fudud ayey ku joogsan kartaa haddii meesha laga saaro wixii keenay laakiin haddii xanuunka raago ama aad u daran yahay waxaad u baahantahay in aad takhtar la xiriirito, xanuunka waa mid la daaweyn karo balse aad u dhib badan oo xitaa dadka qaar ay ku fakaraan xanunka dartiis in ay ilkaha iska bixiyaan.

𝐘𝐞𝐲 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐚𝐝𝐮❓

Saliilyadu way ku dhici karta da’ kaste, balse waxay ku badantahay dadka da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 50 sano. Dumarka ayaa ragga uga badan.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚❓

Ma jirto sabab dhab ah oo la isku raacsanyahay inay keento Saliilyada ilkaha, balse waxaa jira Waxyaabaha horseedi kara saliilyada waxaana ka mid ah: 

1. Cadayashada ilkaha- haddii aad cadayga xoog ugu xoqdo ilkaha, waxay sababi kartaa in qeybta sare ruuganto ama baaba’do, markaasna aad dareento xanuun ama saliilyo.

2. In aad isticmaasho caday  adag oo aan jilicsanayn-(waxay dhawici karta ilkahaaga)

3. In aad isku xoqdo ilkaha markaad seexato-badanaa xilliga habeenkii.

4. In aad si joogta ah u isticmaasho cuntooyinka iyo cabitaanadda “acid-ka” leh, sida qajaarka, yaanyada iyo shaaha.

5. Inaad qabto xanuunada qaar sida GERD-waa xaalad waxyaabaha caloosha ku jira ay dib usoo laabtaan, ka dibna laabta hur aad ka dareento. 

6. Waxaa kale oo keeni kara xanuunada ilkaha ku dhaca sida- suuska, yiridka, jajabka ilkaha iyo hoos u dhaca ciridka, waxaana laga dareema badana hal ilig.

7. Waxaa si ku meel gaar ah u sababi kara buuxinta,  xiridda, dheereynta iyo cadeynta ilkaha, laakiin waxay ku egtahay hal ilig, dhawr maalmood ka dibna way yaraataa arrintaas.

8. Sidoo kale Saliilyadu waxay ku badan tahay dadka jirkooda ku yartahay maadada kalshiyamta”ℂ𝕒𝕝𝕔𝕚𝕦𝕞”.

9. In aad ku cadaysato maadooyin dhaawici kara ilkaha sida “baking Soda, dhuxusha iyo wax ay ku jirto maadada “hydrogen peroxide”-(Waxay dhawici karaan ilkahaaga).

10. In aad isticmaasho Af-dhaqe ay ku jirto “Acid”, ama inay wasaq”plaque”fuusho iligga, waxay  keeni karaan  Saliilyo.

𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚❓

Hoos u dhaca ciridka ama xarigga ciridka oo guura ayaa ah sababaha ugu weyn ee keena Saliilyada, markaas waxaa banaanka uso baxa qeybta hoose ee iligga “dentin-ka”, oo leh neerfe, taasoo sababta xanuun badan ama saliilyo.

Waxaad uga hortagi kartaa xanuunkaan adigoo joogteeya hab-dhaqanka faya-dhoorka caafimaadka iyo madaafadda afka, xoog ha u isticmaalin cadayga, jooji ama yaree isticmaalka cuntooyinka Acid-ka leh, jooji isticmaalka dhuxusha, baking Soda iyo IWM, adeegso dawada lagu cadeysado oo ay ku jirto (potassium nitrate ama stronous fluoride).

𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐬𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚❓

Wixii kicinayey haddii meesha laga saaro badanaa wuu joogsadaa xanuunka,balse si loo ogaado cilladda saxdaa waxaa loo bahanyahay warbixin dhamaystiran in laga qaado bukaanka tusaale ahaan: 

- xanuunka nuuciisa

- Waxa ku kiciya ama uu ku raysto

- In hawo lagu buufiyo ama la taabaiiyo.

Waxaad isticmaali kartaa daawooyinka loo yaqaanno “desensitizing agents”-waxay yareeyaan dareenka neerfaha, dhowr usbuuc ka dibna saliilyada way baaba’daa, balse haddii xanuunka kaa baabi' waayo la xiriir dhakhtar.

Daawooyinkaas waxaa ka mid ah daawada lagu cadeysado ee loo yaqaanno “Sensodyne”-waxaa ku jira maadoyinkii aan so sheegay ee ahaa stannous fluoride ama potassium nitrate.

 Sensodyne-tu waxay yareysaa xanuunka ilkaha, isla markaan waxay ilaalisa gododka ilka, Afkana way carfisa, ilkana way cadaysaa- ku cadeyso ugu yaraan maalinkii laba jeer.


Mᴀʜᴀᴅsᴀɴɪᴅɪɴ 

Dr. Abdulkarim Jabra 

Jabrea2015@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

FAA’IIDOOYINKA SANJABIISHA

Wax ka baro jimicsiga Kegel