XOGTII UGU DAMBEESAY EE TALAALKA AstraZeneca “COVID-19”
Talaalka COVID-19 ee AstraZeneca, waxaa iska kaashaday soo saaristiisa jamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca, Vaccitech.
Waxay isticmaaleyn hidaside fayraska hargabka oo daciif ah, kaas oo keena infekshannada ku dhaca “Chimpanzees”, waxaa ku jira hidaside borotiinka “SARS-CoV-2 virus” ee COVID-19.
Markaad qaadato talaalkaan, jirkaagu wuxuu soo saarayaa borotiinkaan, kaasoo hormariya habdhiska difaaca ee jirka, si uu u weeraro fayraska SARS-CoV-2, haddii uu soo galo jirkaaga.
Baryahaan dambe waxaa la hadal hayey walaac ku saabsan talaalkaan ee la xiriira xar-gagidda dhiigga “thrombotic”, ka dib waxaa la hubiyey amniga taalkaan ayadoo lagu saleynaayo cilmi-baarisyo.
Waxaa dib-u-eegis taxadar leh lagu sameeyey inka badan 17 million oo qof oo laga talaalay xanuunka COVID-19 (midowga European iyo boqortiyada UK) lagamana helin wax cadeymo ah oo muujinaya halista talaalka AstraZeneca.
Waxyaabaha laga fiiryey waxaa ka mida Xinjirta xirta sanbabka, tan lugaha, iyo xinjirowga dhiigga oo yaraada, ayadoo loo fiiriyey da’ kasta, lab iyo dhadig, jinsi, koox ama wadan intaba.
Tiraddii la baaray 15 ka mida waxaa laga helay xinjirta lugaha, 22 ka mid ahna waxaa laga helay xinjirta sanbabka, balse tiradaas waa mid aad u yar marka loo fiiriyo dadka la baaray ilaa 8da maarso.
Sidaas darteed ma jirto sabab cad oo loo joojin karo qaadashada talaalka AstraZeneca, madaama ay jiraan sababo kale oo keeni kara xinjirowga dhiigga.
Nabad-galyada talaalku waa muhiim shirkadduna waxay si dhaw ula socotaa amniga talaalka. Bil kastana waxaa lasoo bandhigi doona bad-qabka talaalka, ayadoo la waafajinaayo tallaabooyinka daahfurnaanta talaalka ee COVID-19.
Talaalkaan wuxuu haystaa ruqsadda in ka badan 70 wadan oo ku kala yaala lix qaaradood, hay’adda caafimadka adduunka si degdeg ah waxay u gaarsiinaysaa ilaa 142 wadan, ayada oo kaashanaysa xarunta COVAX.
Talaalka COVID-19 waxaa si nabad-galyo leh ku qaatay malaayiin qof oo adduunka ku kala nool.
Hadda Somalia waxaa lasoo gaarsiiyey talaalka COVID-19, marka bulshada somaliyeed waxaan kula talinaa inay qaataan, si ay u yaraanto dhibaatada xanuunka COVID-19.
Mahadsanidiin
Dr. Abdulkarim Jabra
Comments
Post a Comment