Wax ka baro jimicsiga Kegel
LAYLISKA LOO YAQAANO KEGEL EE SAMEEYO MURQAHA HOOSE EE MISKAHA
Waa maxay Layliska Kegel:
Ereygan waxaa loogu magac daray Arnold Kegel, oo ahaadhakhtar ku takhasusay cudurada haweenka, oo u dhashaydalka Maraykanka oo markii ugu horaysay sharaxaysaamaynta caafimaad ee Jimicsiga Kegel dabayaaqadii 1940s.
Jimicsiga Kegel wuxuu xoojiyaa murqaha ka hooseeya ilmo-galeenka, kaadiheysta, iyo mindhicirka, kuwaas oo taageeraminka, kaadi haysta, xiidmaha yar yar iyo malawadka, iyosidoo kale galmada rag iyo dumarba.
Muxuu jimicsiga Kegel muhiim u yahay:
Waxyaabo badan ayaa daciifin kara murqaha hoose(sagxada) ee miskaha, oo ay ka mid yihiin uurka, dhalmada, qalliinka, gabowga, jiirashada(docashada) saa'idka ah oo ka timaadacaloosha oo istaagta ama qufac joogto ah, iyo culeys(miisaan) saa'id ah.
Dadka qaba cilladaha maskaxda iyo neerfaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inay dhibaatooyin kaan qabaan kaadi baxsiga amaxakameynta mindhicirka, sida dhuusada iyo saxarada.
Jimicsiga Kegel wuxu caawin karaa ragga iyo dumarkalabadaba oo dhibaato ku qabaan kaadi baxsiga amaxakameynta mindhicirka(incontinence).
Jimicsigaan ayaan waxtar badan u lahayn dumarka leh kaadibaxsiga daran marka ay hindhisaan, qufacaan ama qoslaan.
Sidoo kale, layliskaan ayaan waxtar u lahayn dumarkaiskufuranka qaba ama kuwa kaadidu iska socoto, kaadi haystaoo buuxsamaysa awgeed.
Waxaad u baahantahay inaad sameyso layliska Kegel haddii aad isku aragto:
1. Haddii aadan saxarada iyo kaadida ceshan karin.
2. Haddii aad isku aragto kaadi kaa timaada musqusha ka dib.
3. Haddii kaadi kaa timaado markaad Hindhisto, Qufacdo amaQososho.
4. Haddii kaadi dhawr dhibic ah kuso dhaafto inta aadan caadiu kaadin ka hor.
5. Waxaad kaloo u baahan hooyada uurka leh ama marka aydhasho ka dib.
Goormaa la sameyn karaa jimicsiga:
Jimicsigaan Kegel ka dhig qayb ka mid ah hawlmaalmeedkaaga, sida Cadayashada ilkaha oo kale, una sameesi taxaddar leh wakhti kasta.
Jimicsiyada Kegel waxaad samayn kartaa adigoo fadhiya amajiifa, waxaad kaloo samayn kartaa adigoo wax cunaysid, miiska fadhiya, baabuur wadid, iyo markaad nasanayso amatelefishan daawanaysid.
- [x] Tusaale ahaan:
Calamadaha lagu arko dadka ay dabcaan murqahasagxada miskaha:
Sidee loo sameeyaa jimicsigaan:
Si caadi ah u neefso oo jidhkaaga dabci marka aad jimicsigansamayn rabto, hubso inaadan adkeynaynin calooshaada, bowdadaada, badhida, iyo muruqyada laabta.
Cilmi baarisyo la sameeyey waxay cadeeyen jimicsigaan inuuyareeyo so noqnoqoshada iyo so dhicidda xunbahataranka(Prolapse), sidaas owgeed aadbuu muhiim u yahayjimicsigaan in la sameeyo xilli kasta iyo goob kasta.
Faa’iidada jimicsigaan maxay tahay:
Lama faraayo inay sameyaan dadkaan:
Fiiro Gaar ah: haddii wax qaldan aad ku aragto farriin igu so dir si aan u saxo, ku mahadsanid akhrintaada. Jabrea2015@gmail.com/kacab25@hotmail.com/comment/DrJabra Farah
Comments
Post a Comment