Posts

Showing posts from March, 2021

FAA’IIDOOYINKA SANJABIISHA

FAA’IIDOOYINKA     CAAFIMAAD EE SANJABIISHA Jeermiska ayey la dagaallantaa Maadooyinka kiimikaal ee ku jira sanjabiisha ayaa jirka ka ilaaliya jeermiga, una diida inay so galaan ama ku bakteeriyada-“E.coli iyo Shigella” iyo fayraska-“RSV”.   Waxay dhoortaa caafimaadka afka Sanjabiisha waxaa ku jira maado kiimikaal oo loo yaqaanno 'gingerols'- waxayna kaa saacideysaa inaad dhoola-cadeyso, sababtoo ah waxay joojisaa koritaanka bakteeriyada keenta xanuunada afka sida Suuska, Yiridka iyo IWM.   Waxay yareysaa lalabada Sanjabiishu waxay kaa caawin kartaa inaad socod-siisid caloosha waliba haddii aad xaamilo tahay, waxay nuugtaa gaaska caloosha, sido kale waxay baabi’isaa lallabada ay keenaan daawooyinka kiimoteraabiga ee loo isticmaalo kansarka. Waxay yareysaa murqo xanuunka Waxaa la ogaaday dadka jimicsiga ku dareema murqo xanuunka, haddii ay isticmaalaan sanjabiisha waxaa yaraada xanuunkii hayey, marka loo barbar dhigo kuwa aan qaadan. Sidaa awgeed,    sanjabi...

XOGTII UGU DAMBEESAY EE TALAALKA AstraZeneca “COVID-19”

Talaalka COVID-19 ee AstraZeneca, waxaa iska kaashaday soo saaristiisa jamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca, Vaccitech. Waxay isticmaaleyn hidaside fayraska hargabka oo daciif ah, kaas oo keena infekshannada ku dhaca “Chimpanzees”, waxaa ku jira hidaside borotiinka “SARS-CoV-2 virus” ee COVID-19. Markaad qaadato talaalkaan, jirkaagu wuxuu soo saarayaa borotiinkaan, kaasoo    hormariya habdhiska difaaca ee jirka, si uu u weeraro fayraska SARS-CoV-2, haddii uu soo galo jirkaaga. Baryahaan dambe waxaa la hadal hayey walaac ku saabsan talaalkaan ee la xiriira xar-gagidda dhiigga “thrombotic”, ka dib waxaa la hubiyey amniga taalkaan ayadoo lagu saleynaayo cilmi-baarisyo. Waxaa dib-u-eegis taxadar leh lagu sameeyey inka badan 17 million oo qof oo laga talaalay xanuunka COVID-19 (midowga European iyo boqortiyada UK) lagamana helin wax cadeymo ah oo muujinaya halista talaalka AstraZeneca. Waxyaabaha laga fiiryey waxaa ka mida Xinjirta xirta sanbabka, tan lugaha, iyo xinjirowga d...

𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐨❓

 𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐲𝐨❓ Saliilyada(xasaasiyadda) ilkaha waa xaalad caafimaad oo ku dhacda ilkaha loona yaqaanno “𝕕𝕖𝕟𝕥𝕚𝕟 𝕙𝕪𝕡𝕖𝕣𝕤𝕖𝕟𝕤𝕚𝕥𝕚𝕧𝕚𝕥𝕪“, sidoo kale waxaa loo yaqaannaa “𝕕𝕖𝕟𝕥𝕚𝕟 𝕤𝕖𝕟𝕤𝕚𝕥𝕚𝕧𝕚𝕥𝕪”.  Saliilyada(xasaasiyadda) ilkaha waa xanuun daran ama kabaabyo soo boodo ah oo qofku ka dareemo ilkihiisa muddo gaaban ka dib markii  uu maqlo shanqar ama codadka qaar, ama uu dhadhamiyo wax kulul ama qabow, taasoo aan loo saarin karin xanuun ama cillad ku dhacday ilkaha. Waxaa kale oo kicin kara dabeysha/leyrta, xoqidda, macaanka, dhanaanka, korontada, taabashada, uumiga iyo waxyaahaba kiimikaalka ah, arrintaas oo ka dhigan in neerfihii ilkaha banaanka usoo baxay sidaas darteedna uusan adkeysi u lahayn. “Dentin-ka” waa qayb ka mid ah iligga taas oo ka hooseysa qeybta sare ee loo yaqaanno “enamel”. Enamel-ka waa lakabka cad ee sare, oo daboola iligga intiisa kale, waana qeybta ugu  adag iligga, marka haddii dhawac soo gaaro qey...