Waxka baro muuqaalka ilmaha uurjiifka ah

Wax ka baro goorta iyo sida muuqaalka cunuggaaga u kobco oo isku badalo inta uu uurjiifka yahay, Laga soo bilaabo maqaarkisa ilaa timahiisa:

• Saddexda asbuuc ee ugu horeysa markii hooyadu uurka qaado ka dib, uurjiifku wuxuu u qeybsamaa sadex lakab oo kala ah: endoderm, mesoderm iyo ectoderm. Ectoderm waa lakabka ugu dambeeya ee sameysma kasoo ah meesha ugu badan ee maqaarka, timaha iyo ciddiyaha ay kasoo koraan.

Koritaanka maqaarka uurjiifka:

• Maqaarku waa unugga ugu weyn ee jirka, uurjiifka maqaarkiisu wuxuu so koraa xilli hore inta u dhaxeysa asbuuca 5aad ilaa asbuuca 8aad ee uurka, xilligaas maqaarku wuxu u qeybsamaa labo lakab oo unugyo ah kuwaasoo kala ah:lakab unug  hoose(basal cells) iyo lakab unug sare (epiderm cells). Markaas ka dib timaha ayaa bilaaba inay so baxaan, oo waxaa so dhasha tolidda abuurkooda asbuuca 8aad ee uurka.
• Agagaarka asbuuca 9aad ama asbuuca 10aad waxaa sameysma unug dhexe, kasoo kaso dhex baxa lakab unughooseedka  iyo lakaba unug sareedka, halkaas ayaa ah meesha timaha jiridoodu kasoo unkanto (hair follicles), asbuucyada ku xiga koritaanka maqaarka uurjiifka ayaa sii socda ilaa 4 bildhammaan lakabyada maqaarka uurjiifka ayaa sameysma kuwasoo taya ahaan u dhaw maqaarka dadka waaweyn.

Koritaanka cidiyaha faraha iyo lugaha:

• Cidiyaha faraha iyo kuwa lugaha waxay sameysmaan asbuuca 11aad, ka dib cidihu waxay bilaabaan koritaanka asbuuca 12aad, qiyaastii asbucca 34aad ayey gaaraan cidiyuhu qaabka ay ku dhashaan xilliga dhalmada.

Koritaanka timaha uurjiifka(Fetal hair development):

• Qiyaastii asbuuca 14aad ama 15aad timaha bilaawgooda ayaa kasoo fooca maqaarka dhexdiisa, ka dib halkaas ayaa noqota mesha timuhu kasoo bilaabmaan, Muddada uurka oo dhan, timaha uurjiifku waxa ay maraan laba wareeg oo kala ah daadin(shedding) iyo dib-u-cusbooneysiin(regorwth). 
• Dhaman unugyada timaha si dhameystiran ayey uso ifbaxaan, mana jiran unugyo u sameysma timaha dhalmada ka dib, suniyaha iyo timaha indhaha baarkooda waxay noqdaan ku wanagsan oo aad u qurxoon markii la gaaro asbuuca 22aad ee uurka.

Timaha dhalaanka (Lanugo):

• Koritaanka timaha uurjiifka kuma eka madaxa oo kaliya, asbuuca 14aad uurjiifka waxaa daboola jirkiisa tima badan, waxaana loo yaqaan (lanugo hair),uurjiifka ayey u ilaaliyaan heer kulkiisa oo waxay ka dhigaan mid diiran, maadaama uurjiifku uusan lahayn dufan xilliga hore ee uurka, wuxuu u baahanyahay inu xirnaado/lahaado timaha loo yaqaano (lanugo) ilaa uu ka sameysanayo caddiin ama baruur uu ka helo kuleyl iyo diiranaan, ka dib markuu uurjiifku sameysto caddiin waxaa meesha ka baxaaya oo daadanaaya timahii(anugo) qiyaastii asbuuca 30aad ee uurka.

Xabka ilmaha (Vernix casaeosa):

• Kaalay usbuuca 19aad, maqaarka uurjiifku si uu u noqdo mid weli muuqda oo jilicsan ayaa ilahay ku daboolay qulqulka ama xabka loo yaqaano 'vernix caseosa' wuxuuna ka koobanyahay dufan ama saliid iyo dheecaan cad oo ay soo daayan unugyada maqaarku, waxay ka ilaalisaa maqaarka uurjiifka dheecaanka loo qaayaan amniyoolajka(amniotic fliud) inuu taabto, haddi la yawaayo xabkaan loo yaqaaan Vernix casaeosa) ama haddii la dhaafo bisha 9aadee uurka, canugo wuxuu ku dhalanayaa asagoo maqaarkiisu laalaab( wrinkled skin) iyo jeexjeex leeyahay.
• Inta lagu gudajiro nolosha uurjiifka qulqulka qanjidhada sabaashiyooska (sebaceous) waxay ku xirantahay unugyada laf dhabarta u ah maqaarka si ay u sameystaan ​​walaxyadaama walxaxa cadaanka ah (mararka qaar waxaa loo yaqaan 'smegma embriyonum') kaasoo daboolaya maqaarka cunuga hada dhashay, gaar haan waxay ku badanyihiin meelaha laalaabka leh sida: kilkilaha, gumaarka iyo laablaabka qoorta.
• Markii la gaaro asbuuca 34aad waxaa yaraayanaayoo adkaanaaya maalinba maalinta ka dambeysa xabkii ama dhaankii daboolaayey uurjiifka yar kasoo ka ilaalinaayey dhaceenka  loo yaqaano amniyoolajka (amniotic fluid), halkaa markay joogto waxa isqabsanaya dhecaanka amniotic fluid iyo timihii yaraa ee uurjiifka (lanugo hair), ka dib uurjiifku wuxuu liqayaa isku dhafka amniotic fliudka oo loo yaqaano (meconium).  

Midabka timaha, mugga iyo muuqaalka(Hair color, volume and texture):

• uurjiifka Timahiisu waa midab la'aan oo caddaan dhalaalaya ah xilliga uurka, xaqiiqatan dhamaan ilmaha adduunka waxay wadagaan oo ku dhashaan tima qafiifa, xariira oo leh kalar qafiif ah oo lo yaqaan (Vallus), haba kala duwanaato jinsidoodeemarka dhalaankaagu u dhaxeeyo asbuuca 8aad ilaa 12aad timihiisu waxay mari doonaan hal waji oo dheeraad ah oo daba socda is badaladii hore ee daadashada timaha waana kan ugu dambeeya daadashada timaha, ka dib tima dhexdhexaad ah ayaa usoo baxaya  bisha 3 ilaa 7 bilood. koritaanka timaha wuu sii socdaa, ugu dambeyn waxay isku badalaan timaha loo yaqaano “terminal hair”.
• Waxaa lala xiiriyaa timaha badan ee ilmuhu ku dhashan sida ay sheegtay  hay’adda loo yaqaan “Researchers from Johns Hopkins Medical Institutions” laabjeexa ku dhaca hooyooyinka uurka leh oo ay keenan dhacaanadda la xariira uurka kusoo la aaminsanyahy  inay ka qeyb qaatan koritaanka timaha badan ilmaha uurjiifka iyo dabcidda waalka hunguriga (relaxes esophageal sphingter).

Waa maxay Lanugo?

• Lanugo waa tima jilicsan, qurxoon oo jirka uurjiifka dhan kaso baxa, waana timaha ugu horeeya ee kasoo baxa baraha ifafaalaha timaha uurjiifka. in la arko timaha lanugo waxay u badantahay xilliga hore ee loo yaqaan “Preemies” lkn waxaan dhici karta in ilmuhu ku dhasho timo badan oo jirkiisa ku yaal, taasna la yaab ma lahan waa xaalad caadi ah mana loo baahna in laga werwero. Timaha lanugo midabkoodu waa cadaan ama madaw ama maba lahan wax midab ah,waxaaad ku arki karta dhaman oogada ilmaha yar waxayna ku badanyihiin dhabarka, garbaha,gacmaha,foolka wajiga,balse waxaysan kasoo bixin meelaha an lahayn baraha timaha sida bushimaha,calaacalaha gacmaha iyo lugaha, dhinacyada faraha iyo suulasha,xubinta taranka iyo cidiyaha.

 

Shaqadooda( its function):

Timaha Lanugo waxaa laga yaabaa inay qabtaan howlo badan,cilmi baarayaashu waxay sii wadaan daraasaddo ku saabsan timaha “lanugo hair”. Khubaradu waxay rumeysan yihiin inay leedahay doorar yar oo muhiim ah. Doorarkaas waxa ka midda:

1. waxay nidaamisaa heerkulka ilmaha(It regulates the baby’s temperature)

Ilmaha uurjiifkaa ma lahan dufan (fat) uu ka helo ama u ilaaliya heerkulkiisa ilaa laga gaaro bilaha ugu dambeeya ee uurka, sidaas daradeed waxaa la rumeysan yahay inaygacan ka geysantan habeynta heerkulka ilmaha, inuu u haayo kuleylka, iyo inuu cunugga kuleyl ku helo gudaha ilmogaleenka.

2. Waxay difaacdaa maqaarka(it proects the skin)

Xilliga uurka, dhallaanka uurjiifkaa waxaa ku hareereysan dareere ku jira sanduuqa amniyoolajka(amniotic sac). Istaabashada ama Soo-gaadhista joogtada ah ee dareeraha amniyoolajka iyo uurjiifka waxay saamaysaa maqaarka iyo heerkulka jidhka uur jiifka. Ilmahaagu wuxuu leeyahay walax adag, cad, dufan leh oo loo yaqaan 'vernix caseosa' kaasoo xijiya ama daboola maqaarka isla markaana siiya awood ka difaacaysa waxyeelada dareeraha. Dareeruhu wuxuu u baahanyahay timaha loo yaqaan lanugo si uusan dareeruhu uga sibxan jidhka uurjiifka oo markaaaysan u waxyeelayn dareeraha kale ee loo yaqaan amniyoolajka. Sidoo kale markii loo soo dhawaado xilliga dhalamada (40 todobaad)ee uurka waxaa yaraan doona timaha lanugo, xabka loo yaqaan fernikis, dareeraha amniyoolajka ee ilmihu ku dhaqdhaqaaqan, sidaas daraadeed ilmaha marka uu dhasho waxaad ku arki kartaa saameynta ay ku Reebeyn oo ah laablaab iyo maqaarka oo xoqxoqan ama dub kacsan.

3. Waxay carrisaa koritaanka iyo horumarka jidhka(its stimulates growth and development) 

Daraasado la sameeyey ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaqa timaha lanugo ee maqaarka uurjiifka uu door ka ciyaari karo sii deynta hormoonnada hoos u dhiga walaaca isla markaana waxaa la aaminsanyahay inay cariyaan koritaanka canuggaaga gudaha ilmo-galeenka.

Muddo intee le'eg ayey jirtaa tinta lanugo (How Long It Lasts):

• Timaha Lanugo waxay bilaabaan inay kasoo baxaanmaqaarka cunuggaaga qiyaastii bisha afaraad ama shanaadee uurkaaga (16 illaa 20 toddobaad). Waxaa la Qiyaasaa in todobaadka 28aad ee yihiin waqtiga ugu badan ee timaha lanugo soo baxaan. Kadib, waxay bilaabaan inay ka dhacaan oo daataan, badanaa daadashadodu waxay bilaabataa inta lagu jiro bisha 7aad ama 8aad ee uurka, sdiaas ayey usii daadanayaan ilaa laga gaaro dhamaadka uurka, Isla markaas Ilma badan ayaa waxaan ka dhamaada timaha inta aysan dhalan ka hor lkn markasta sidaan kuma wada dhacdo ilmaha dhan.

 

• Haddii ilmahaagu ku dhasho timaha lanugo, waxay u badan tahay iney dhacaan ama daadataan kaligood toddobaad ama laba toddobaad gudahood. Si kastaba ha noqotee, wey sii jiri karaan welina wey noqon karaan mid caadi ah, gaar ahaan haddii dhallaankaagu yahay geeddisocod oo an wali gaarin xilligii dhalmada.

 

• Haddii timaha lanugo ee ilmahaagu dhacaan ka hor ama ka dib dhalashada, dhammaan aakhirka way kaa baabi’i doonaan. Markay taas dhacdo, nooc kale oo timo ah ayaa kasoo kora meeshiisii ay ka baaba’ayn, timaha cusub waxaa loo yaqaan 'vellus timaha'.
• Timaha Vellus waxay la mid yihiin lanugo laakiin khafiif ah oo aan la arki karin si muuqata. Waa timaha dabooli doona jirka cunuggaaga inta lagu jiro carruurnimadiisa oo dhan. Timaha Lanugo iyo vellus uma eka timaha madaxa kasoo baxa inta lagu guda jiro xilliga qaan-gaarkatimahaas waxaa loo yaqaan “timaha Terminal”.

Noocyada Muuqashada timaha (Variety of Appearance ):

Lanugo waxay u muuqan kartaa siyaabo kala duwan marka loo fiirsho kala duwanaanta dhallaanka, iyada oo ku xidhan dhererka uurkaaga way maqnaan kartaa ama way badnaan kartaaWaxay kaloo ku xirantahay hiddo-wadaha qoyskaaga oo waxay noqon kartaa mid dhalaalaysa ama madow ah. Waxyaabaha soo socdaa waa qaababka laga yaabo inuu kusoo baxo cunuggaaga.

1. Ilmaha dhamaysta waqtiga buuxa(Term infants): ilmaha ku dhasha (37ilaa 40 todobaad) waxaa laga yaaba iney yeeshaan ama inaysan yeelan lanugo badan oo muuqda.Muuqaalka timaahlanugo wuxuu caadi yahay ilaa boqolkiiba sodon (30%) carruurta ku dhalata waqtiga buuxa.
2. Waqti-dhaaf (postdate) Ilmaha:Ilmaha dhasha kadib 42 usbuuc ma laha lanugo muuqda.
3. Horgaleyaasha(Preemies/premature):Dhallaanku waxay daadiyaan timaha lanugo markay u dhowdahay inay helaan waqti-buuxa. Maaddaama ay hore u dhashaan ilmahaan (kahor 37 toddobaad), badanaa waxay leeyihiin lanugo badan, waxayna sii jiri kartaa waqti dheer si ay uga dhamaadaan.
4. Asalka Qoyska Midabka cad (Light Skin Family Background): Lanugo waxaa laga yaabaa inuu khafiif ahaado ama inuusan midab lahayn dhallaanka leh maqaarka iftimaaya.
5. Asalka Qoyska midabka Madoow(Dark Skin Family Background): Dhallaanka leh qaababka madawgaa waxay u muuqdaan inay leeyihiin timo madaw ah sidaas darteedna lanugo mugdi ah. Midabka madow ee timaha ayaa ka dhigaya mid aad loo dareemi karo.

Daaweynta(Treatment ):

Khasab kuguma aha inaad sameyso wax gaar ah oo lagu daaweeyo lanugo cunuggaaga dhiciska ah ama dhalaankaaga. Waxyaabaha soo socdaa waa qaar ka mid ah tilmaamaha lagula tacaamulo timaha lanugo marka ay ku badanyihiin jirka ilmaha.

1. Dulqaad yeelo(be patient): Waqtiga ayaa ah daaweynta ugu fiican ee lanugo. Waad uga tagi kartaa ama u dhaafi kartaa timaha ilmahaaga, oo aakhirkana way baabi'i doontaa iyada oo aan la caawin. Ilmaha ku dhasha timaha badan waxay lumiyaan maalmo ama toddobaadyo gudahood. Si kastaba ha noqotee, weli waa caadi haddii ay sii dheeraato.
2. Isku day inaad si fudud ugu daliigto(Try gentle message): Haddii aad rabto inaad gacan ka geysato, waxaad isku dayi kartaa inaad si tartiib ah meesha ugu daliigtid saliid yar oo khafiif ah. Waxaaa la dooneyaa inaad u isticmaasho taxadar aad u weyn si aad uga hortagto dhaawaca maqaarka ilmahaaga, Iyo sidoo kale inaad isticmaasho shey aan ka carrin karin maqaarka ama indhaha cunuggaaga.
3. Ha u isticmaalin qalabka timaha ka baabi’iya(Don’t use hair removers): Waa inaadan iscmaalin jel(wax), timo xiire ama timo baabi’iye si aad uga takhalusto timaha oo ku dhasho ilmuhu,waxyaabahaan waxay noqon karaan khatar waxayna dhaawici karaan jirka ilmahaaga.
4. Dhakhtarka la hadal(talk to the Doctor): Haddii aad walwalsan tahay ama aad su'aalo qabtid dhakhtarka weydii wuxuu kuu xaqiijin karaa inuu ilmahaagu caafimaad qabo timihiisuna ay caadi yihiin.

Ilmuhu ma cunaan timaha lanugo?:

• Ilmaha uurjiifka waxay lumin karaan lanugo inta ay wali ku jiraan caloosha ka dib Waxay ku dhacdaa dheecaanka amniyoolajka ee ku wareegsan ilmaha. Ilmuhu waxay cabbaan dareeraha iyo waxa ku dul wareegaya(timaha). Marka,jawabtu waa haa, carruurtu waxay cunaan lanugo. Kadib, markuu ilmuhu qaato timaha lanugo, waxay marayaan nidaamka cunuggaaga waxayna qayb ka noqonayaan qaybta ugu horreysa ee malka waxaana loo yaqaan “meconium”.

Dib Ma U Soo Noqdaa? :

Waa wax caadi ah in lagu arko lanugo carruurta dhasha, laakiin mar haddii ay ka tagto maalmaha iyo toddobaadyada dhalashada ka dib, waa inaysan dib u soo noqon. Timaha Lanugo haddi aymar labaad soo noqdaan waa calaamad muujineysa in loo baahnayahay inuu dhakhtarku arko. Dib usoo laabashada timadalanugo ka dib xilliga dhalashada ayaa macnaheedu noqon karaa:

1. Nafaqo darrida aadka u liidata(extreme malnutrishment): Lanugo waxay astaan ​​u noqon kartaa nafaqada aadka u liidata ee gaajada. Waxay kaloo ka dhalan kartaa cuduradaa cunnooyinka sida anoreksiyada(anorexia nervosa) ama xaalado kale oo sababa miisaanka oo yaraada, Waxayna kobocdaa marka aysan jirin dufan jirka kufilan oo maarayn karta heer kulka jirka. Sidaas dared timaha ayaa soo bata si ay jirka kuleyl u siiyaan maadama aysan jirin dufankii kuleylka siin laha jirka. 
2. Dhibaatooyinka Caafimaadka(health problem):Daraasado la sameeyey waxay muujinayaan, in kasta oo ay naadir tahay,timaha lanugo waxay calaamad u noqon kartaa xaaladaha caafimaad qaarkood sida kansarka, xanuunnada maskaxda iyo qanjidhada ku dhaca ee loo yaqaan “endocrine disorders”, ama dheef-shiid kiimikaad.
3. Hypertrichosis Lanuginosa: Xaaladdan oo ah koritaanxad dhaafka ah ee lanugo hair ama tima u eg-lanugo waa cudur hidde oo naadir ah.

 

W/Q: Dr Abdulkarim Jabra

    Email: jabrea2015@gmail.com

Facebook: DrJabra Farah

Comments

Popular posts from this blog

FAA’IIDOOYINKA SANJABIISHA

Wax ka baro jimicsiga Kegel

π–πšπš 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 π’πšπ₯𝐒𝐒π₯𝐲𝐨❓