Raggu madhalays ma noqdaan, hadday noqdaanse maxay baaritaanka u diidan?

Raggu madhalays ma noqdaan, hadday noqdaanse maxay baaritaanka u diidan? Madhaleysnimada waxaa lagu qeexaa hal sano oo galmo aan layska ilaalin la sameeyo, haddi haweeneydu ay uur qaadi wayso. Dhalmo la'aanta, cudurada wadnaha iyo burooyinka ayaa la aaminsanyahay inay yihiin seddexda cudur oo saameeynta taban ku leh nolosha aadanaha iyo caafimaadkiisa sida ku cad bayaanka WHO. Madhalaysnimada ragga waxaa keeni kara sababo kala duwan, Qaarkooda waa la ogaan karaa waana la dawayn karaa, sida marinka shahwada oo xirma iyo hormooniska oo yaraada. Kuwa qaar waa la ogaan karaa balse dawaayntoodu ma fududa, lkn waxaa jira siyaabo kale oo looga gudbi karo sida bacriminta ilma galeenka (IUI), ama ART. Inkasta oo ay dhiftahay dhalma la'anta ragga balse inteeda badan lama garanayo sababta keenta(Idiopathic). Arimaha ka qeyb qaaata ma dhalaysnimada ragga waxaa mida arimaha deegaanka, bulshada iyo bayoolojiga. arimaha deegaanka waxaa mida waxyaabaha kimikalka ah,shuc...