Wareegga caadada
Wareegga caadada : wareegga caadada way ku kala duwanyihiin dumarku, qaarbaa 21 maalmood kasta ah, qaarna 35 ayey gaaraan, laakiin celceliskooda yaa ah 28 maalmood oo kasta. Wareegga caadadu waa isbeddel dabiici ah oo ku dhaca Habdhiska taranka haweenka (gaar ahaan ilmo-galeenka iyo ugxansidaha) taas oo keenta in haweeneydu uur qaado. Wareegga caadada inta lagu jiro waxaa la soo saaraa ugxanta, iyo sidoo kale waxaa ilmo-galeenku isu diyaariyaa uurka. Wareegga caadada waxaa sababa kicidda ama yaraanshaha hormoonka loo yaqaano istorojin( estrogen). Hormoonka istorojin wuxuu adkeeyaa dhumucda dahaarka ilmo-galeenka, iyo koritaanka ukunta, (taas oo looga baahan yahay uurka). Ugxanta waxaa laga soo daayaa ugxan sidaha maalinta afar iyo tobnaad ee wareegga caadada; dahaarka adag ee ilmo-galeenka ayaa nafaqo siiya uurjiifka ka dib abuurka. Haddii uur uusan dhicin, dahaarka ilmo-galeenka waxaa ku dhaca daadashada loo yaqaan caado(menstruation) oo ah dhiiga k...